|

AMISOM oo sheegtay in ay wax ka qabaneysa Amaanka Magaalada Muqdisho

Muqdisho May 09 2013 (SDN)— Cali Aadan Xumad, Afhayeenka Ciidanka AMISOM oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku guda jiraan qorshaha xasilinta Magaalada Muqdisho oo maalmihii danbe xasarado ay ka jireen.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in AMISOM aysan ka jiifin xaqiijinta Amaanka Magaalada Muqdisho oo qaraxyo ay ka dhaceen maalmihii danbe, islamarkaana ay jireen digniino dhanka Amaanka ah.

Xumad ayaa sheegay in Muqdisho ay ka dhacaan wax aan loo dulqaadan karin isaga oo cadeeyay in wixii Axadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ay yihiin wax aan loo dulqaadan karin.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay ka gudbeen Magaalada Muqdisho, islamarkaana lageeyay Ciidamo AMISOM ah gobolo badan oo dalka ah.

Cali Aadan Xumad ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay in Ciidamo ka socda dalka Seri Lion Lageeyay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

SDN-Muqdisho

Comments are closed