AMISOM oo lagu helay in ay ku xasuuqday dad rayida ah deegaanka Leego
Muqdisho Feb 12 2013 (SDN)— Guddi wadajir ah oo ka kooban AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa baaris ay ku sameeyeen kiis ku saabsanaa dil ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose, waxay ku heleen ciidamada AMISOM inay geysteen toogashada dadka rayidka ah ee lagu dilay deegaankaas.
Sida ay daabacday wakaalada wararka ee AP,ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay si bareer ah u dileen dad shacab ah oo gaaraya 7-Qof oo carruur u badan,ka dib baaris la sameeyay ayaa arintani lagu xaqiijiyay.
“Ciidamada AMISOM ayaa lagu helay inay toogasho ku dileen bartamihii bishii Jannaayo ee sannadkan dhowr qof oo u badan caruur da’yar,” ayaa lagu yiri warbixin ay guddiga baarista sameeyay soo saareen.
Dilka Loogeystay dadka shacabka ah ayaa ka danbeeyay sida warbixinta lagu sheegay,ka dib markii Cutubyo ka tirsan ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo AMISOM oo ku sugnaa goobta shilka uu ka dhacay.
Taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa shaaca ka qaaday in falka dadka shacabka ah lagu laayay si aad ah uga xun yihiin, isagoo ku eedeeyay falkaas inay ka danbeeyeen ururka Al-shabaab. isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in u jeedka Soomaaliya ay u yimaadeen uu yahay difaacada dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Baaritaanka lagu ogaaday in AMISOM ay ka danbeeyaan dilka dadka shacabka,ayaa in mudo ah socday kuwaas oo ay wadeen Saraakiil ka tirsan Midowga Africa iyo Mas’uuliyiin Soomaali ah,ilaa iyo iminkana macada talaabada laga qaadanayo askartii sida gaar ah ugu Furtay Rasaasta dadka shacabka ah.
Dadkii lagu dhaawacay deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose ayaa iminka qaarkood waxaa xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayaa Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,kuwaasoo marar badan ay booqdeen Saraakiisha dowlada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
SDN-Muqdisho