|

AMISOM Oo Laga Mamnuucay Degmo Muqdisho Ku Taalla Oo Muhiim ah Isu Socod Kooda

Muqdisho:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Xooggaga AMISOM eek u sugan Koonfurta Somalia, ayaa laga Mamnuucay inay tagaan Degmo kamid ah Degmooyinka ugu caansan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

demYaasiin Nuur Ciise oo ah Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inaanay ogolayn in ciidanka AMISOM isticmaalaan Waddooyinka kala duwan ee Degmadaas ku yaalla, isagoo si gaar ah u carrabaabay waddada Florence ee u dhaxaysa Madaxtooyada iyo Garonka Kubadda cagta oo ciidanku deggen yihiin.

Guddoomiyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Weriyayaasha ugu waramay Dibadbax ay dadka Deegaanka kaga cabanayeen gaadhi ay leeyihiin AMISOM oo duhurnimaddii  shalay wiil yar ku jiidhay Isgoyska Florence ee Degmadda Warta Nabadda.

“Gaadiidka AMISOM waa ka mamnuuc inay soo maraan Waddadan isku xidha Madaxtooyadda iyo Mogadishu Stadium ilaa ay war cad ka bixiyaan, isla markaana magdhow ka bixiyaan wiilka yar ee ay dileen ” ayuu sii raaciyey Guddoomiyaha, oo xusay inuu Maamulkiisa ka xun yahay falkaasi.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inuu gaadhigu wiilka ku jiidhay daaddegga Isgoyska Florence, meel ku dhow Dugsigii Sare ee 15-ka May, isagoo xusay inuu gaadhiga AMISOM xawli ku socday, una istaagin wiilka ay jiidheen.

Dhinaca kale, Ilaaladda Madaxtooyadda ayaa iyagana rasaas kor u ridayey, si ay u kala caydhiyaan boqolaal dibadbax oo ka cabanayey AMISOM.

Xaalladda ayaa haatan deggan, waxaana dibadbaxayaasha lagu qanciyey in wax laga qaban doono shilkaasi.

Ciidanka Amisom ayaa dhibaato badan ku Haya Shacabka Reer Muqdisho, waxana ay jiidheen Dad badan oo somaliyeed, kuwaas oo si caadi ah Waddooyinka u isticmaalayey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed