|

AMISOM oo ka codsatay saraakiisha dowladda wadashaqeyn si loo xaqiijiyo Ammaanka

Muqdisho Dec 06, 2012 (SDN)— Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ayaa si ay ammaanka u sugaan wax ay ciidamada dowlada Soomaaliya ka codsadeen inay la shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee Midowga Africa ee Soomaaliya u jooga inay gacan siiyaan.

Taliyaha ugu sareeya AMISOM ee Soomaaliya Jen. Andrew Gutti ayaa saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalo xudunta gobolada dalka ee Muqdisho oo maalmahii u danbeeyay ay ka jireen falal amaandari oo hurdada ka kicisay madaxda dowlada Soomaaliya oo AMISOM ay ka codsadeen inay adkeeyaan ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ugu sareeya AMISOM ee Soomaaliya Jen. Andrew Gutti ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ugu horeyn ay ku guuleysteen in dib Muqdisho ay ugu riixaan Al-Shabaab iyo deegaanada Muqdisho ku xeeran oo haatan uu sheegay inay ku sugan yihiin ciidamada Huwanta ammaankooduna uu yahay mid yara fiican.waxa uuna taliyaha AMISOM uu hadalkiisa uu intaasi raaciyay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay xaqiijiyaan ammaanka Muqdisho iyo deegaanada ciidamada isgarabsanaya ay ku sugan yihiin balse intaasi ka hor loo baahan yahay in Ciidamada dowlada iyo Saraakiishooda loogu baahan yahay in Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ay la shaqeeyaan.

Taliyaha AMISOM ayaa ballanqaaday in ciidamada AMISOM ay sii wadi doonaan taageerada ay ku siinayaan xukuumadda iyo shacabkooda Soomaaliyeed sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ku sugan yihiin Muqdisho iyo Gobolada, Baay, Hiiraan, Jubbada Hoose iyo Shabeellooyinka iyagoo isku dayay inay wiiqaan awoodda Al-Shabaab oo muddo isku dayeysay inay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya.

Hadalkaani Baaqa ah ee ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo aadaya xilli ay kulumo ay qaadanayaan mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo inta badan laga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka oo hadal hayntiisa mudooyinkii dambe ay badatay.

 SDN-Muqdisho-Somalia

Comments are closed