AMISOM oo hogaamiye ka tirsan Al Shabaab ku dishay gobolka Sh/hoose
Kampala April 01 2013 (SDN)— Major Henry Obbo oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaqiijiyay Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ay Ciidamada AMISOM ku dileen gobolka Sh/hoose.
Sarkaalka ka tirsnaa Al Shabaab ee la dilayay ayaa lagu Magacabaa Mohammed Abdu Saidi waxaana Ciidamada AMISOM ay ku dileen Meel 70-km Koofur Galbeed ka xigta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Henry Obbo ayaa xusay in dilka Sarkaalkaasi ay AMISOM ugu suurta gashay markii ay kawar heleen macluumaadka sarkaalkaasi la xiriira islamarkaana ay jidka ugaleen isaga iyo kooxihii wehliyay.
Mr Obbo ayaa carabka ku dhuftay in ay gacanta ku dhigeen hub,Labiska Ciidamada iyo qalab Isgaarsiin oo ay Wadeen Maleeshiyaadkii la socday Sarkaalkaasi ka tirsanaa Al Shabaab ee ay ku qaarajiyeen gobolka Sh/hoose.
Mohammed Abdu Saidi, ayaa hogaamin jiray koox maleeshiyaad ah oo ka howlgasha gobolka Baay iyo Dhulka Keymaha ee ku hareereysay Gobolka Sh/Hoose.
Ugu danbeyn Maj. Henry Obbo, wuxuu sheegay in Ciiddamadda AMISOM dhawaan qabsadeen Saddax goobood oo muhiim ah oo uu maro Webiga Shabelle, kuna kala yaalla Degmooyinka Janaale, Ow-dhiigle iyo Baraawe.
Xigasho: Sunday Monitor