|

AMISOM oo baaq u dirtay Dhaliyarada ka tirsan Xarakada Al Shabaab

Muqdisho De 11 2012 (SDN)—Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Warkaan ayaa waxaa ka dhawaajiyay afhayeenka ciidamada Midowga afrika ee AMISOM Cali Aadan Xumad xilli uu la hadlaye qaar ka mid ah Idaacaddaha ka howlgala Magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay dantooda gartaan.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in hadii dhalinyarada ku jira Shabaab ay dhigaan hubka AMISOM ay soo dhaweynayso islamarkaana marwaliba Dowladda ay soo dhaweynayso.

Dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab ayaa ku adkeysta mowqifkooda dagaalka ah inkastoo ay jiraan dhalinyaro kasoo goosta Shabaab oo kusoo biira dhanka Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka u dhaxeeya Shabaab iyo Dowladda iyo AMISOM ayaa cagaha la galay Gobalada dalka Soomaaliya oo iminka ay kusoo hardamayaan Gobalada Shabeelooyinka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed