|

AMISOM iyo maamulka gobolka Banaadir oo iska kaashanaya olole nadaafadeed oo laga sameynayo Beerta Nabadda

Muqdisho Jan 29 2013 (SDN)– Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo sidoo kale maamulka Gobalka uu iska kaashanayo dayactirka beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in maamulka Gobalka iyo AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay olole nadaafadeed ku sameynayaan beerta Nabadda.

Wuxuu sheegay in colaada ay badatay iminkana loo baahan yahay ka hadalka nabadda iyo dayactirka goobaha nabadda si Bulshada ay udareemaan xasilooni.

Tarsan ayaa sheegay in lagu guda jiro todobaadka ciidanka AMISOM ay dhexgalaan shacabka Soomaaliyeed ayna la qabtaan howlaha qaar oo ay ku jiraan nadaafada.

Wuxuu tilmaamay in bil waliba oo January ah 29-ilaa 6-deeda ciidanka AMISOM ay shacabka u qabtaan adeegyo kala duwan,sida Nadaafada,Biyo siinta dadka qaar ee xeryaha ku jira.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wada dadaalo kala duwan oo dib loogu soo celinayo bilicdii ay lahaan jirtay Magaalada Muqdisho oo iminka kasoo kabanaysa colaad.

SDN-Muqdisho

Comments are closed