AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo kawada hadlay Amaanka Magaalada Baladweyne
Baladweyne April 25 2013 (SDN)— Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadlaye ammaanka Magaaladasi ayna wada qaateen saraakiisha ciidanka AMISOM,kuwa Dowladda iyo qaar kamid ah odayaasha Magaaladaasi.
Taliyaha Saldhiga ciidanka Booliiska ee Magaalada Beladweyne Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dadka falalka lidiga ku ah kawada Magaalada Beladweyne.
Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in la isku afgartay in la koontaroolo gaadiidka soo galaya Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan iyo kuwa ka baxaya.
Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in xitaa Magaalada meeshii uu ka bixi karo qof shacab ah lagu sameynayo koontarool adag si qof dambiile ah uusan u baxsan.
Beladweyne oo ah xarunta Gobalka Hiiraan waxaa ku sugan ciidanka AMISOM gaar ahaan qeybta ka socda Jabuuti waxaana halkaasi xilliyada qaar ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka.
SDN–Baladweyne