|

AMISOM iyo Al-shabaab oo ka hadlay dagaal ka dhacay G-shabeelada Hoose.

Muqdisho June 1, 2013(SDN)- War  saxaafadeed uu soo saaray taliyaha ciidamada AMISOM General Andrew Gutti ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamadooda ay fashilinyeen weerar ay Xarakadda Al-Shabab ku qaadeen ciidamo AMISOM ka tirsan oo marayay inta u dhaxaysa Balli-doogle iyo Beerweyn ee gobolka Sh/hoose.

General Gutti waxaa uu ku sheegay in rag ka tirsan ay weerar ku qaadeen goob ayciidamadooda ku sugan yihiin waxana uu sidoo kale sheegay qaar ka mid ah kooxdii weerarka kusoo qaaday ay kudhaawaceen goobta islamarkaanaay gacanta ku hayaan hub fara badan oo walxahaqarxa ay ku jiraan.

Taliyuhu kama uusan hadli khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarkaasi ka dhacay gobolka Sh/hoose hase ahaatee waxaa uu sheegay inay sii wadayaan hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabab  isla markaana ay ka hor tagayaan weeraro kale oo wadadaas ka dhacda.

Dhan kale warar laguqoray warbaahinta ay Shababku leeyihiin waxaa lagu sheegay in AMISOM gaadiid  dagaal looga gubay weerarkaasi ka dhacay Sh/hoose.

Warkaan waxaa lagu sheegay in weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamada AMISOM wateen  sahayna u waday ciidamo kale oo dagan Yaaqbariweyne in lagu gubay 2 gaari oo nooca ciidamadu adeegsadaan ah.

Gobolka Sh/hoose weaxaa uu ka mid yahay gobolada ay ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa midawga  Africa ee AMISOM ka faro maroojiyeen Xarakadda Al-Shabab

 

Comments are closed