|

Amerikaanka Oo Dagaalkiisa Ka dhanka ah Daacish Taageero Uga Raadinaya Dalalka Bariga Dhexe

Riyaad:Sep,11,2014(SDN/QJ)-Maraykanka ayaa ku dedaalaya helitaanka Taageero caalami ah oo uu ku helo dagaalka uu doonayo inuu Kooxda Daacish ku qaado dhawaan.

John_Kerry_USA_Foreing_SecrateryXoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa hoggaanka u haya Safarka taageerada lagu raadinayo, waxana uu muddooyinkii ugu dambeeyey safarro ku marayey dalal ka mid ah Bariga dhexe, waxana uu Haatan joogaa Dalka Sucuudiga, isagoo soo maray dalal kale oo ka mid yihiin Ciraaq oo xudun u  ah dagaalkan la abaabulayo.

John Kerry oo maalintii shalay booqasho ku tagay magaalada Baqdaad ee Caasimada Ciraaq ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub Xaydar Al-Cabadi, isagoo kala hadlay arrimaha siyaasada iyo dagaalka lagula jiro dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

Mr Kerry ayaa booqashadiisa qaadan doonta muddo todobaad ah waxaana uu booqan doonaa dhowr dal oo ka mid ah Jordan, Sacuudiga iyo dalal kale.

Dowladda Cusub ee Ciraaq ayaa lagu tilmaamay dowladii u horeysay oo mid ah oo ay qeyb ka wada yihiin dhamaan qabaa’ilka dalkaas ka soo jeeda, waxaana Mareykanka uu rajo ka muujiyay inay mideysto Ciraaq oo dhan.

Kooxda IS ayaa dhowaan gowracday labo wariye u dhashay Mareykanka, waxaana khatarta kooxdan lagu sheegay mid heerkii u sareysay gaadhay, kadib markii ay la wareegtay dhul badan oo ku yaal Ciraaq iyo Suuriya.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ku haya kooxda IS, waxaana uu ciidanka ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta ka taageerayaa sidii ay dib u qabsan lahaayeen magaalooyinka hore lagala wareegay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay khudbad uu jeediyey ku sheegay inuu dagaal ballaadhan ku qaadi doono kooxda Isis, waxana uu diiday inuu militeri dhulka ah u diri doono dalka ciraaq.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed