Ambassador Sifir:Dunida oo idil ayaa og in Somaliland tahay dal nabdoon,waana naga goan tahay in aanu dalalka Jaarka ee sida Kenya safaarado ka furano
Hargeysa May 18,2014(SDN/QJ)-Dawlada Kenya ayaa shaacisay in ay xafiis ka furaneyso Somaliland isla markaana Nairobi laga furi doono safaarad ay Somaliland leedahay.
Xoghayaha wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Kenya Dr Kibicho Karanja ayaa sheegay in ay dawlada Kenya ka goantahay in ay xafiis safaaradeed ka furato Hargeysa iyada oo Somaliland na ay xafiis ka furaneyso Nairobi.
“Waa dhab in aanu xafiis ka furaneyno Hargeysa,waana u ogolaanay Somaliland in ay Xafiis ka furato Nairobi,taasi micneheedu ma aha in ay ka dhigan tahay in ay yihiin xafiisyo diplomaasiyaded”syuu yiri Dr Karanja.
Dr Karanja waxa uu sheegay in xafiisyadu ay fududeyn doonaan uun adeegyada bulshadeed ee ay umadda u fidiyaan.
Dawlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay diidmo ka muujisay safaarada Kenya Hargeysa ka furaneyso iyada oo ka walaacsan in ay tilaabadani bilow u noqoto aqoonsi diplomaasiyadeed oo Somaliland ay hesho.
“Dawlada Soomaaliya waa lala socodsiiyay goaanka Kenya iyo in Kenya ay aqoonsan tahay uun dawlada qura ee Soomaaliya ka jirta”ayuu Dr, Karanja.
Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Dr Maxamed Cabdilaahi Jaamac Sifir ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talabaadan labada isku weydaarsanayaan xafiisyda.
“Dunida oo idil ayaa og in Somaliland tahay dahay dal degen waana naga goan tahay in dalalka gobolka sida Kenya in aanu xiriir la yeelano”ayuu yiri Dr, Sifir.
Sifir waxa uu sheegay in Kenya ay haatanba xiriir dhaw la leedahay Somaliland oo muwaadiniin faro badani Somaliland ka shaqeeyaan iyo in ilaa sadex Jaamacadood oo Kenyan ahi Somaliland ka furan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee talaabadan Kenya xafiiska uga furaneyso Somaliland ayaa ah mid qeyb ka ah dedaalada dawlada Somaliland ay ugu jirto iib geynta qadiyada madax banaanida Somaliland.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com