“Amarka xilka qaadisteyda wuxuu ka soo baxay Addis Ababa,waxaana Muqdisho keenay Jeneral Gabre, aniguna……” Tarsan
Muqdisho:01-March-2014 (SDN)-Guddoomiyihii hore ee Xilka Gobolka Banaadir laga Qaaday Tarsan, ayaa markii ugu horraysay ka Falceliyey Xilka-ka-xayuubintiisii.
Guddoomiye Tarsan ayaa Xilka Qaadistiisa ku Sababeeyey inay Dawladda Federalka ahi uga Dan lahayd inay ku Raalli geliyaan Dawladda Ethiopia.
“Amarka xilka qaadisteyda wuxuu ka soo baxay Addis Ababa,waxaana Muqdisho keenay Jeneral Gabre, anigu Salaasada ayaan xilka wareejin doonaa laakiin waxaa ii muuqato in talada Dalka Somalia gacanta u gashay Dowlado shisheeye gaar ahaan Xukumadda Ethiopia” ayuu yidhi Gudoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir.
Sababaha Ethiopia in xilka laga qaado u jeclaatay ayuu ku sifeeyay laba arrimood,wuxuuna yidhi ” Ethiopia waxay ka cadhootay hadaladii aan Warbaahinta mariyay ee la xidhiidhay inay Xabashida dalkeena xoog ku soo galeen, kana geysteen xasuuq, qodobka labaadna wuxuu yahay waxay arkaan in Caasimadii dalka dhisantay oo bilicdii soo laabatay sidaas darteed ayey Madaxweynaha cadaadis ku saareen inuu xilka qaadis igu sameeyo,isagana waa aqbalay”.
Mudane Tarsan oo ka mid ahaan jiray dadkii qaban qaabin jiray dibadbaxyadii looga soo horjeeday gumeeysiga Ethiopia intii u dhaxeysay 2007-2009 wuxuu tilmaamay in kooxda Damu jadiid wado qorshe ay dhamaan degmooyinka Muqdisho ugu dhiibayaan dhalinyaro ka tirsan oo dhamaantood ka wada baxay Machad-ka Simad.
“Xilka qaadista kaligeey kuma koobnaan doonto,waxaan ogahay in dhamaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka gaar ahaan kuwa waxqabadka muujiyay sida Deeqa Cabduqadir laga qaadi doono xilka, waxaana degmooyinka oo dhan madax looga dhigayaa dhalinyaro ka baxday Machad-ka Simad oo ka tirsan Damu jadiid” ayuu yidhi Gudoomiye Tarsan oo xalay Tel Conference kula hadlay taageerayaashiisa.
Dhawaaqan ka soo Baxay Guddoomiyihii hore ee Tarsan ayaa muujinaya in Guud ahaanba Somalia ay Haatan ka Taliso Dawladda Ethiopia oo ciidan Tiro badan ku soo Jabisay, waxana Xasuus Mudan inuu Tarsan si weyn uga Soo Horjeedi jirey Tallaabooyinka Ciidanka Ethiopia ku soo Galeen Caasimadda Muqdddisho iyo meelo kale oo Somalia ka mid ah.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com