|

Amar Madaxtooyada Kasoo Baxay Oo Lagu Xidhay Xogyahihii Guud Ee Golaha Wakiillada

Hargeysa:Nov,15,2014(SDN/QJ)-Xoghayihii Guud ee Golaha Wakiillada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa waxa lagu xidhay Amar kasoo Baxay Madaxtooyada kadib markii uu si badheedh ah uga Hadlay saluugga uu ka qabo tallaabada lagu beddelay Ciidankii Ilaalada u ahaa Golaha.

ina ayaaXadhiga Xoghayaha Waxa warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cirro oo xalay Saqdii dhexe warbaahinta LLa Hadlay, waxana uu tilmaamay in Xoghayaha Lagu Haysto hadalkii uu ka yidhi Beddelka Ciidanka Golaha iyo Taageerada uu u hayo Guddoomiyaha Golahaas.

Khilaaf xoog leh ayaa u dhaxeeya labada garab ee Golaha Wakiilada Kuwaas oo kala taabacsan Guddoomiyaha aqalka wakiilada Md, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ay hor kacayaan labada guddoomiye ku xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo ay ka soo jeeda Xukuumadda Kulmiye.

Mucaaradka ayaa ku eedaynaya Xukuumadda in ay sifo sharciga baal marsan ula wareegtay Golaha wakiilada, iyada oo ka rartay ciidamadii hore gaadhka uga qaban jiray kuwo cusubna lagu soo daad gureeyay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed