AlShabaab oo Kenyaankii ay af-duubteen lacago kusii daayay
Muqdisho. 5 November, 2022. (QJ)- Kooxda Al-Shabaab ayaa sii deysay 4 qof oo Kenyan ah oo ay kasoo afduubteen Salaasadii deegaanka Ceel-waaq ee u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.
Dadka ay sii deysay kooxdan oo kala ah labo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawal iyo qof bukaan ah ayaa eheladooda la midoobay kadib markii la sii daayay Khamiistii, iyagoo gacanta kooxda Shabaab ku jiray laba maalin.
Warbaahinta Kenya ayaa qoreysa in Odayaasha deegaanka ay wada xaajood la fureen Al-Shabaab, taasoo keentay iney qaataan lacag madax furasho ah oo aan cadadeeda la sheegin.
Kooxda Al-Shabaab ayaa iska diiday iney dib u celiso Ambalaasta ay wateen dhaqaatiirta iyo bukaanka la sii daayay, iyadoo kooxda u muuqato iney dooneyso iney adeeg caafimaad ahaan u isticmaasho.
Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab ayaa dhowr jeer horey weeraro ula beegsatay shaqaalaha ammaanka, iskuulada, gaadiidka magaalooyinka iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee waqooyi bari Kenya