AlShabaab oo Deegaannada Ay Ku Hadheen Ka Mamnuucay Gawraca Xoolaha ee Ciidal-Adxaha
Jawhar Oct 24,2012(SDN/W/wararka)-Xarakadda Alshabaab ayaa deegaanadda ay ku sii hadheen maamulkooda ka mamnuucay in gawraca Xoolaha ee maalinta Ciidul-adxaha oo ku beegan Jimcaha soo socda, iyagoo ku dooday In dadka Soomaalida ahi si khaldan u gawracaan Xoolaha.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa Ku Hanjabtay Inay Qaraxyo Ka Geysanayso dalka Ingiriisk. Sida lagu sheegay Qoraal ay ku baahisay bogga ay Xarakadu ku leedahay Twitter-ka. Waxaana ay dawladda Ingiriiska ku eedaysay in ay qayb ka tahay dagaalada ka dhanka ah Islaamka, sida ay ku dooday. “Britain waxay qayb weyn ku leedahay dagaalka lagaga horjeedo Islaamka, waxayna dhibaatooyin u geysatay dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Dhanka kale, kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale maanta sheegtay in deegaanada ay ciidamadoodu Somaliya kaga sugan yihiin ay ka mabnuuceen Garwaca xoolaha ee ciidal Adxa, iyadda oo sheegay in dadka Somalidu ay si khaldan u gawracaan xoolaha sidaa daraadeedna ilaa amar dambe aan la gawrici Karin.
Sheekh Cabdilaahi Nuur Abu-qutayba oo u hadlay Al-shabaab oo sida lagu baahiyey boggooda Twitter-ka ka hadlay arrintan ayaa sheegay “Waxa lagu jiraa xili kala guur ah, sidaa daraadeed waxa loo baahan yahay in dadka laga saxo sida xoolaha loo gawraco, Al-shabaabna arintaasi dedaal badan ayay ku bixisaa”ayuu yidhi.
SDN-Jawhar
contact@somalidiasporanews.com