|

Alle ha u Naxariistee Weriye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo Muqdisho lagu aasay iyo Marxuunka oo Taariikh Nololeedkiisa ka waramaya Daawo

Muqdisho 21.June 2014 (SDN/QJ)- Allaha u naxariisto Marxuum Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, oo ku geeriyooday miino loogu xiray gaarigaas saaka, ayaa lagu aasay qabuuraha dugsiga tababarka booliiska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Labad Gole ee dowladda, Weriyeyaasha ka howlgalo magaalada Muqdisho, Saraakiisha ciidamada ammaanka dalka iyo ehelada Marxuunka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya  Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow  oo ka qeyb galay aaska marxuumka ayaa laamaha ammaanka ka dalbaday in la soo dedajiyo baaritaan lagu sameenayo dilka loo gaystay Wariye Yuusuf Keynaan, si caddaaladda loo hor keeno, isaga oo tacsi u diray ehelada iyo asxaabta weriyaha.

Taliyaha ciidanka boliiska gobolka Banaadir Jeneraal Maxamed Yuusuf Madaale ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanno la xiriira dilka marxuumka.

Xog-haya ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa ugu baaqay weriyeyaasha in ay muujiyaaan feejignaan xilliyad ay shaqada ku jiraan.

Qaar ka mid ahWariyaasha ka qeybgalay aaska ayaa cambaareeyay dilka Yuusuf  Keynaan oo saakay ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed