Alle Ha u Naxariistee Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec oo Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay iyo Dardaarankiisii oo la Baal maray
Muqdisho 16.March 2014 (SDN)- Maxamed Suleymaan Tubeec oo ahaa fannaan weyn ayaa maanta oo Axad ah lagu aasay magaalada Muqdisho.
Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay aaska oo ka dhacay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraalka Kaahiye.
Meydka marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana la socday qaar ka mid ah qoyska marxuumka.
Aaska waxaa sidoo kale ka qeyb-galay raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirka warfaafinta Mustaf Cali Dhuxulow, wasiirka duulista hawada Siciid Qorsheel, wasiirka amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeenno, fannaaniin iyo dad kale.
Raysul wasaare Cabdiweli ayaa aaska kaddib u duceeyay fannaanka, wuxuuna Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, jannadiisana geeyo.
“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhammaan shacabka iyo fannaaniinta Soomaalida ee uu ka baxay fannaankeenna qaaliga ah. Tubeec wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta hal-doorka ah, wuxuuna caan ku ahaa dareen waddaniyadeed iyo wacyi-gelinta bulshada,” Cabdiweli Sheekh ayaa yiri.
Tubeec ayaa dhowr maalmood ka hor ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka kaddib markii uu muddo xanuunsanaa.
Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa ku dardaarmay ka hor dhimashadiisa in lagu ag aaso Xabaalaha ay ku aasan yihiin Hooyadii,Aabihii iyo awowyadii ee Magaalada Berbera , Inkastoo Qoyskiisa qayb ka mid ah ay Hargaysa ku sugan yihiin Hadana Waxaa Oofin la’aanta dardaarankiisa Sabab u ahaa Wiilkiisa Mustafe Maxamed Saleebaan oo Nidar ku maray inuu gaynayo Muqdisho maadaama sida uu sheegay ay Xukuumada Federaalka ee Somalia ka soo Jawaabtay dalabaad ay u jeediyeen.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com