|

alle ha u naxariistee MARXUUM AXMED IBRAAHIM GUUNJE oo Hargaysa ku Geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray

Hargaysa 09.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay MARXUUM AXMED IBRAAHIM GUUNJE.

siilaanyo-2Madaxweynuhu wuxuu MARXUUMKA ku tilmaamay oday door muhiima ka soo qaatay nabadgelyada dalka, dhismaha dhaqaalaha, iyo ka qarankaba, sidoo kalena waxa uu marxuumku maayar ka noqday caasimada Hargeysa lixdameeyadii isaga oo ahaa maayarkii ugu horeeyey si xora loo soo doortay isla markaana salka u dhigay caasimada hargeysa,

Madaxweynuhu waxa uu  MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed