|

Noloshii Jaamac Maxamed Qalib – 1932 ilaa 2022.

27 April, 2022 – qalinka: M. Haaruun.

Janaraal Jaamac, oo ay dhaleen Maxamed Qaalib iyo Xaadsan Yuusuf, waxa uu ku geeriyooday sagaashanada cimrigiisa. 1931 ilaa 33 intii u dhexaysay ayuu ku dhashay miyiga Ceerigaabo, meel la gu magacaabo Buur-carmo, xalay 26 April, oo ku began 25 ka Ramadaan baanu Jabuuti ku geeriyooday. Laba usbuuc ka hor baa Hargeysa loo ga qaaday dhinaca Jabuuti si dabiib dhakhtar loo gu helo, dawladda Jabuuti na waxba ma kala hadhin gurmadkiisa, tiisii baa se dhamaatay – Eebbe ha u naxariisto. Jaamac waxa uu ka tegay 9 qof oo uu dhalay, laba xaas iyo, buugag badan oo dhaxal Soomalaiyeed ah. Nolol yaab iyo cibro ka buuxdo ayuu lahaa, waana nolol wajiyo badan, oo qofba geesta u sahlanaata uu ka ga dayan karo.

 

Laga bilaabo noloshiisii kuraynimo ee uu magaalo ku soo galay 1947 kii, ilaa haddadan uu geeriyooday, waxa uu ahaa nin shaqaysta oo aan dusdus wax ku cunin. Mar waxa uu ahaa kuray miyi ka yimid oo Hargeysa soo galay, oo is koris ah, wax na is baray hadba meel tamari dhigtoba. Mar waxa uu ahaa sharci yaqaan iyo xirfadle bilays. Mar waxa uu ahaa siyaasi mansabyo sare ka qabtay dawladdii kacaanka ilaa ay kala dhinteen 1984 kii, taas oo badiyaa sababteedu ahayd hab-dhaqankii ay Dawladdii askartu ku maamulaysay Reer-waqooyiga oo aad u qalafsanaa. Mar waxa uu ahaa qoraa aan waxba reeban oo wixii uu xog hayay, yar iyo weyn, ku keydiyay waraaq – shan buug iyo articles badan oo tayadoodu sarayso ayuu lahaa. Mar kale na, waxa uu ahaa Barre sare oo jaamacadeed – Somali political history maaddo uu u bixiyay, oo isagu uu dhigaalkeeda iyo xogteeda diyaariyay ayuu bixin jiray, waanu waday ilaa horaantii March 2022.

 

Jaamac kuma ayuu ahaa waydiinta ah hadii la isku dayo in la ga war celiyo, waxa la gu koobi karaa in uu ahaa nin aan is dhiibin, oo nuglaan iyo niyadjab aanay agtiisa meel ku lahayn. Waxa uu ahaa nin Soomaaliyeed, oo ahaanshaha Soomaalinimo la weyntahay. Ma ahayn dadka dantii raacca ah, ee hadba Meesha ay u ga muuqato u orda. Waxa uu ku adkaysan jiray wixii la quman uun. Shan buug oo uu ka qoray waayihii uu u soo joogay, waxa ku yar caadifadda, dad-iska-dhaadhicinta iyo beenta aan loo aabbo-yeelin ee la ga buuxiyo buugta Soomaalidu iska qorto ama la ga qoro. Buugiisa caanka ah ee The Cost of Dictatorship, ooh hadda aan turjumaaddiisa gacanta ku hayo, waxa la ga helaa Jaamacadaha waaweyn badankood, Google Scholar ka na waxa uu ku leeyahay in ku dhow boqol xigasho ama citation.

 

Xanuunka uu hadda u geeriyooday oo kelyaha ku bilaabmay awalkii hore, waxaa dhacday 2020 kii, iyada oo loo diyaariyay cisbitaal Turkiga ah, in uu xannibay Covid-19 oo dartii loo joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa. Hal usbuuc ka hor intii aanay qabtu dhicin, Jaamac iyo xaasaskiisa midkood oo raaci lahayd, waxa loo jaray tigidho business class ah oo diyaaradda Itoobiyaanka ah, goortii uu madaarka u bixi lahaa baanu ogaaday diyaaradda loo diyaariyay ta ay tahay, iyo in uu Addis Abeba ku sii hakan doono cabbaar. Jaamac waxa uu u sheegay masuuliyiintii Dawladda Fadaraalka ah ee hawshaas u diyaarisay, in aanu raacayn Ethiopian Airlines, Addis na aanu ku hakanayn, xataa diyaarad hawada Itoobiya maraysa ma raacaayo ee tigidhka ii soo bedela ayuu yidhi. Isla maalintii xigtay iyo tii ku sii xigtay ba waxa la doonay Turkish Airline, laakiin boosas baa la ga waayay, intii wax la raadinaayay na, waxa bilaabantay qabtii safarada hawada ee la wada ogaa, oo socotay in ka badan lix bilood.

 

Qisadaas Jaamac aan ka sheegay, oo ka mid ah boqolaal sheeko oo uu lahaa, waxa ay qofka aan aqoonin tusi kartaa dhab ahaan qofka uu ahaa, iyo sida uu u fikiri jiray. Itoobiya oo sodomeeyo sanno ahayd qiblada siyaasiyiinta Soomaalida oo loo kala dhuuman jiray, isagu xataa in uu safar ku sii maro ma ogolayn. Jaamac laba amuurood ba wax baa u ga meel yaalay – diidmada Itoobiya iyo ilaalinta midnimada Jamhuuriyadii Somaalida, laakiin labadaba waayadan dambe dabacsenaan khafiif ah buu ka muujin jiray marka aan la sheekaysto, mararka qaarkoodna qoraalo ayuu ku cabiri jiray.

 

Itoobiya marka la eego, Jaamac waxa uu u yaqaanay wadanka keliya ee dunida ka jira, ee leh siyaasad ay saldhig u tahay gumaynta iyo dulaynta Soomaalidu. Intii Tigreygu Meesha ka baxeen, waxa uu bilaabay in uu si dhow u eego waxa meesha ka socda. Markii u horaysay ayuu abidkii niyad sami taxadir la socdo ka muujiyay Itoobiya, maqaal baanu ka qoray, wallow didmada uu qabay ay ka weynayd rajada u muuqatay. Qodobka ku saabsan Jamhuuriyaddii Soomaalida, waxa ay fikraddiisu ahayd, oo uu la dhintay, isaga oo qaba in sababo farsamo iyo kuwo sharci awgood, aan wadanka la kala goyn karayn. Taas isaga oo qaba ayuu shirkii 1991 ee Burco la tegay, oo Hargeysa la joogay, oo haatan na ku dhintay. Sidaas oo ay tahay, markii u horaysay noloshiisa, Jamac waxa uu eed ka badan ta Reer-waqooyiga u hayay qolada Koonfurta. Waxa uu qabay in Somaliland aan manta eed loo jeedin Karin, marba hadii Koonfur loo kala guraayo intaas oo dawlad deegaan aan midna ka kale ogolayn. Arintaas maamul goboleedada, iyo saluug guud oo ku saabsan qorshe la’aan ka muuqata siyaasiyiinta Koonfurta awgeed, inta uu Hargeysa dhaliilo in ka badan buu Muqdisho dhaliilsanaa. Jaamac kaas buu ahaa.

 

Ustaad Jaamac M. Qaalib – sharci yaqaan, siyaasi, qoraa miisaan leh, Barre Jamacadeed, Oday Soomaaliyeed – Eebbe-weyne ha u naxariisto.

 

Tacsidiyo quraankaan akhriyay, waa u tegayaan;

Togagii janada Eebahay, tiisa haw furo’e;

Inaka iyo ubbadkuu ka tegay, samirku waw toos. Timacadde.

Comments are closed