|

Alla Haw Naxariiste Mujaahid C/raxmaan Tuur, Waxaa Laga Haya, Ninkii (Silanyo) Ee Talada Igu Wareejiyey Ayaa Guuto Kobaad Ii Soo Dhex Fadhiistay.

(KamaplaSDN) Somalidu waxaay ku maahmahda ninkaad kabo ka tolan lahayd kabihiisa la eega, waxaa igu kalifay inaan manta oo ay taariikhdu tahay 16/7/2013 aan diyaariyo qormadan, bulshada reer Somaliland waxaay can ku tahay dhaqan ahaan inay tahay bulsho hadal waxeeda ku dhamaysata laakiin aan wax qorisa ku samayn (oral society) Hadan u soo noqdo biyo dhaca hadalkayga ,madaxweynihii ugu horeyay Somaliland alla haw naxariiste mj; C/Raxmaan Axmed Cali ( tuur ) ayaa taariikhdu markay 1992 guurtida Somaliland oo daasado ku fadhisata ,guriga guurtidu ku jirtay wakhtigaas oo ahaa dabaqa sare ee wasaarda arimaha gudaha ee Somaliland, ay C/Raxmaan waydiiyeen ,maxaay dawladaadu u dhaqaaqi wayday? , ka dib waxa uu ugu jawaabay, gudoomiyihii talada igu wareejiyey oo ah AXMED SIILANYO ayaa ka dib markii aan ku gulaystay in wadankii aan xoreeyo ii soo dhex fadhiistay, guuto kobaad, walina ciidankii isaga ayuu ka amar qaata, Markaasi waxaan da, yarta xasuusin lahaa madaxweynaha hada jooga kaasi ayuu ahaa wakhti wakhtiyada ka mida Hadaba igama aha aan ku mucaaridno, laakiin waxay iga tahay hayno noqdo (lesson learnt) qof caynkaas ahaan jiray oo maantana kuu ah madxweyne, waxaa kaloo arintaasi la mida madaxda ururada hada jira oo iyaga laftoodu qaarbadan haday cadaaladi jirto ay ahayd in maxkamad la soo tago, kuwaas oo waxa ugu badan ee ay ku sifoobeen ay tahay, musuq maasuq, lunsi hanti qaran, iyo mi dawlad hoose ba, iyo qabyaalad aan la qarsanayan, Qof walba waxa uu jecel yahay ayuu gubdiyaaye, Somaliland iyo qabyaaladu halkay isla maraysa? Hadan jawaab ka bixiyo waxaay maraysaa halkay maraysay 1992, wakhtigaas oo uu madaxweynaha hada jira ahaa taliyaha guuto kobaad, kuna ahaa awood qabiil isla maantana ka faa, iidaystay shacab aan lahayn raad taariikheed ahna madaxweynaha loogu mucaridada yar yahay ee Somaliland Hadaan xuso sida qabyaaladu ugu xoogaysatay, guriga madaxtooyada, v Midayntii isgaadhsiinta Somaliland oo isla maalmahaana lagu dhawaqay kabaniga cusub ee loo yaqaan (somtel) ujeedada ka danbaysaana ahayd in uu si degega kambanigaasi suuqa u galo, iyado lala ka shanaayo awooda madaxweynaha khasabna lagaga dhigay shirkadihii markaas jirey in ay la midooban si simikaadhka somtel uu ula qaysado suuqa shirkada wadaniga ah ee telesom, nation link ,& telecom, arintasi oo ahayd awood xukumadeed oo ay dabada ka riixayso awood hoose oo qabiilaysan ,sida maraykanku marna u xidho shaadhka qaramada midoobay , marna shaadhka maraykanaka , ayaa lagu dhaqmay , waxaana ka maraga shacabka Somaliland. v Warshada sibidhka berbera oo xukumadii hore dad kala jadjada oo reer Somaliland la siiyey sheerarkeeda hadana , lagu soo ururiyaya ganacsadaha reer Somaliland ee maal gashaday kursiga madaxweyne siilanyo, isku qabiilkana yihiin v Kambaniga wayn ee coca cola oo wasiirkii hore ee Somaliland maxamed xaashi cilmi tageerada waynee wasaarad ahaan is la barbar istaagay si uu u dhiiri galiyo maal gashadayaasha wadaniga ah, kuna dadaalay in uu cashuur dheerada saaro sharabka yamani leedahay ee dibada ka soo gala , waad ogayd waxaan odhan kara , qaninyadii madaxweynaha ee wasiirkaasi waxaa ka mid ahaa sharabkaas oo ay aad u soo dajiyaan ganacsato ka soo jeeda qabiilka madaxweynaha, wanad xasuusan karta sidii ragnimadu ku jirtay ee wasiiirkii madaxtooyada iyo wasiirkii hore ee maaliyadu iskaga hor yimaadeen, v Waad ogayd shirkii garadag , ee u siilaanyo horkacaayey ee ka qabsoomay garadag in uu isagu abaabulkeeda lahaa ,laakiin markii beelihii kale ay is yidhaahdeen samaysta shir ayoo ka tashi, uu is hortaga ku sameeyay ,taasna loo isticaalay awood xukumadeed , markaas waxaa ku soo baxaysa in aynu inagu ,kaligii taliyaha aynu korino ( dictator) v Hadad dib u raacdo wakhtigii ay ku dhawaatay in ururkii dib u xoreeynta somaliland ee SNM uu burburo waxaa gudoomiyahay ururka SNM ka ahaa madaxweyne siilaanyo , ayaamo yar ka dibna markii talada laga wareejiyey waxaa xigay wadankii waa xorrobey ,sababta maalinta lafteeda ay SNM uu burburi gaadhay waxaay ahayd arin qabiil ku salaysan v Sidaad ogtahayba c/raxaan cabdi/qaadir waxa uu ahaa mujaahid xalaala,oo naf ,maal iyo maskaxba u huray halgaankii hubaysnaa ,iyo dib u dhiskii qaranimada Somaliland , nin mudan in la ilaashado inta uu nool yahay, hadan ku soo dhawaado malintii laga qaaday jagadii gudoomiye ku xigeenka kobaad ee xisbiga kulmiye qaabkii looga qaaday iyo hadaladii madaxweynaha, ee ahaa ma arki karo c/raxaan ma arki karo , iyo cidii lagu badalay markii laga qaaday jagada si awood xukumadeed iyo mid qabiilba ay ka muuqatay ,iyo waa yaabe ninkii lagu badalay oo ahaa ninkii u qaabilsana arimaha reer kooda ,laguna magacaabo maxamed kaahin, alahayow yaa hargaheedi igaga celiya ,oo ah nin u jajabaan danaha reerkooda ahna afhayeenka xisbiga kulmiye ahna gudoomiye ku xigeenka koobada ee qarqooshka ah ee xisbigaasi ,laakiin waxaa nasiib daro noqon doonta halkuu ku danbayn xusbigii aanu talada u dhiibnay , ee waliba tamarta , dhaqaalaha iyo wakhtiguba naga galay, Markaasi waxaay ila tahay hadii qofku ku sifoobo in uu koriyo qabiilka maha in uu shaashada soo galo qaranku leeyahay, ilaahaya hayna badbaadiyo inta uga hadhay wakhtigii aynu dooranay duqa siilaanyo, Qalinkii iyo maskaxdii; Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilahi Gadhle)

 

 

 

wariye khadar bitijoor@hotmail.co

 

OFFUICE UGANDHA KAMPALA

 

+256791661106

Comments are closed