|

Halkan Ka Akhri Nuxurka Qoraalkii Uu Sheekh Atom Kaga Tegay Xubn-nimadii Ururka Al-shabaab iyo Sababtii uu cuskaday

Muqdisho:June,08,2014(SDN/QJ)-Wadaadka Caanka ah ee Sheekh Maxamed Siciid Atom oo hoggaamiye u ahaa Kooxaha Shabaabka ah eek a Dagaalama Buurlayda Galgala ee Maamulka Puntland, ayaa Maalintii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tegay xubnnimadii ururkaas.

atomSheekha ayaa arrintaa qoraal ku soo saaray, waxana uu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

Anigoo ah Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah.

Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah.

Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood.Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxidhka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan.

Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka.

Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda.

Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban. Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xidhaan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara.

Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan.

Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood.

Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn dano shisheeye.

Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda  iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed