Al-shabaab Oo Xalay Weerar Dhimasho iyo dhaawac Keenay Ka Fulisay Magaalada Wajeer iyo Walaaca Shacabka Oo Kor u Kacay
Wajeer:19-Dec-2013(SDN)-Ugu yaraan Laba Qof ayaa ku Dhimatay Shan kalena waxa gaadhay dhaawacyo kala duwan kadib markii ay kooxo hubaysani xalay fiidkii Weerar ku qaadeen Magaalada Wajeer ee Gobolka W/Bari Kenya.
 Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waa dad rayid ah waxaana lagu weeraray mid ka mid ah xaafadaha magaalada Wajeer, kuwaas oo aan wali cidda laysayy la Aqoonsan, balse loo malaynayo inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-shabaab oo halkaas weerarro isdaba joog ah ku hayey.
Waa weerarkii labaad oo muddo toddobaad ah ka dhaca Wajeer, Jimcihii la soo dhaafay ayaa koox soo weerartay magaalada waxa ay ku dileen hal qof tiro kalena waa ay ku dhaawacantay.
Ma cadda kooxda weerarka soo qaaday, balse waa taxano weeraro ah oo waayahan Kenya ay la kulmeysay waxaana ay ku eedaysaa kooxda Shabaabka ee dalka Soomaaliya.
Xaaladda magaalada Wajeer ayaa saaka daggan, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada Magaalada Wajeer.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerarro isdaba joog ah ku haya waddanka Kenya gaar ahaan magaalooyinka Xuduudda ku teedsan, waxana soo kordhaysay cabsida ay qabaan shacabka ku dhaqan deegaamadaas ay Shabaabku Badhtilmaameedka ka dhiganayaan.
S.D.N