|

Al Shabaab oo weeraray xarunta Gobolka Banadir

Muqdisho January 22, 2023 (QJ) -Kooxda Al Shabaab ayaa manta weerar ismiidaamin ku bilowday ku qaaday xarunta Gobolka Banaadir.

Qarax ka dib ayaa dagaal saacado socday waxa uu dhexmaray dagaal yahanada halka weerar iyo ciidamada amaanka.

Ciidamada amniga ayaase markii danbe soo afmeeray duulaanka oo halka ku laayay rag ay sheegeen in ay lix ahaayeen, war laga soo saaray wasaarada warfaafintana waxa lagu sheegtay in weerarka ay ku dhinteen shan ruux oo shacab ahaa halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la sheegtay in ay xirnaayeen direyska ciidamada oo u fududeeyay gelida xarunta Gobolka.

Comments are closed