Al Shabaab oo weeraray Xarun ATMIS ku leeyihiin Afgooye
Afgooye December 26, 2022 (QJ) -Sida dadka degaanku u sheegeen saxaafada guddaha waxa xalay dagaal ku dhexmaray magaalada Afgooye ciidamada Africa ka jooga Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab.
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weeraray xarun ciidan oo ay ku leeyihiin Afgooye ciidamo reer Ugaandha ah oo ka tirsan kuwa Africa ee ATMIS.
Labada dhan kama hadlin weerarka iyo khaaraha ka dhashay dagaaalka.
Shabaabka ayaa sidan oo kale u weerara xarumaha ciidamada Africa.
ATMIS oo dalka u joogta gacan siinta dawlada ayaan ka qeyb qaadan dagaalka dawlada iyo dadka degaanku kula jiraan kooxda Al Shabaab.