Al Shabaab oo weeraray ATMIS iyo Xaradheere oo laga wareegay
Muqdisho January 16, 2023 (QJ) – Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegtay in ay manta weerar gantaalo ahaa ku qaadeen xarumo ay ciidamada Somalia iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin degmeda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada oo ka warhelay weerarka ayaa la sheegtay in ay iska caabiyeen kana jawaabeen gantaalaha Shabaabku ku rideen, hal ruux ayaa ilaa hatan la sheegtay in uu ku waxyeeloobay colaada manta. Ciidamada ATMIS iyo kuwa dawlada oo kaashanaya dadka degaanka ayaa dhawaan gebi magaalooyinka Hiiraan ka saaray kooxda Al Shabaab.
Ciidamada dawlada ee Danab iyo Gorgorna waxaa la sheaaciyay in ay Iyana manta Shabaabka kala wareegeen magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug. Ciidamada ayaa haatan miino baaris iyo halgalo amni ka wada guddaha magaaladan ay mudada dheer ka ariminayeen Shabaabku.
Sidoo kalena Taliska ciidanka Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay hawlgal ay Wadajir u fuliyeen Iyaga iyo kuwa Africa ay ku dileen dagaal yahano Al Shabaab ka tirsanaa oo qorsheynayay in ay weeraraan saldhigyo ciidan.
Hadalkan ayaa lagu sheegtay in weerarka lagu dilay 23 ka mid aha Dagaalyahanada damacsanaa in ay soo duulaan, ciidamada Soomalaiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay Shabaabka ka furteen hub iyo qalab ciidan mudadii ay ku gudo jireen hawlgalka