Al Shabaab oo weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo
Kismaayo April 30 2013 (SDN)— Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay weerar ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Afhayeenka Ururka Raaskambooni oo gacanta ku haya Magaalada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxo yar oo ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Garoonka diyaaradaha, balse wax qasaaro aysan geysan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday Kismaayo uu ahaa mid xoogan, waxaana ay intaasi ku dareen in waqti kooban uu socday islamarkaana ay ciidamada Kenya iska caabiyeen.
Garoonka Kismaayo ayaa waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni waxaana waqtiyada qaar magaalada Kismaayo gudaheeda ka dhaca weeraro iyo qaraxyo Al Shabaab fulinayaan.
SDN-Kismaayo