|

Al Shabaab oo weerar ku laayay ciidan xero ku sugnaa

Kaxda January 20, 2024 (QJ) -Al-Shabaab ayaa shalay weerar xooggan ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa la sheegay in uu dhacay xilli inta badan ciidamada ay hurdayeen, waxaana kooxda weerarka geysatay ay ku guuleysteen inay gudaha u galaan saldhiga.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaaray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidamadii milateriga ahaa ee saldhiga difaacayay.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay arkeen meydadka dhowr askari oo la dilay, iyo taliyehooda. Ciidamada amaanka ayaa bilaabay howlgalo wadajir ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa mid ka mid ah weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Degmada Kaxda ayaa horay waxaa uga dhacay weeraro noocaan oo kale ah oo ay geysteen kooxda xagjirka ah.

Comments are closed