|

Al Shabaab oo weerar ka fuliyay Gaarisa

Gaarisa August 12, 2024(QJ)-Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay weerar ku qaadeen deegaan ku dhow magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Naani ayaa waxaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, kaasi oo lagu dilay goobta.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Deeqow Isaaq Aadan, waxaana uu la shaqeynayay ciidamada ammaanka Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay xilli uu ku guda jiray howlgal amni. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar kedis ah ku qaaday, kolkii ay dileen kadibna goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada Kenya oo ka jawaabaya weerarkan ayaa saaka howlgallo ka sameeyay deegaanka Gaarisa, iyagoo baadi goobaya raggii ka dambeeyay weerarkaas.

Muddooyinkii dambe ammaanka gobolkan ayaa faraha ka baxay, iyadoo Al-shabaab ay kusoo badanayeen weerarrada ay la beegsanayaan xarumaha ammaanka iyo gaadiidka dadweynaha, iyadoo mararka qaar ay afduubyo ka geystaan ​​deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

Comments are closed