Al Shabaab oo u hanjabtay dalka Britain
Muqdisho Oct 23,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa fariimo ay ku baahiyeen bogooda Twitter waxa ay ugu hanjabeen dalka Britain oo ay ku eedeeyeen in ay dagaal kula jiraan Muslimiinta.
“weerarada ku fool leh Britain waa qaar ka culus kuwii hore loola beegsaday dalkaas”ayaa lagu yiri qoraalka hanjebaada ah.
Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ujeedadu tahay in loo argudo Sheekh Dhawaan ay Britain ku wareejisay dalka Mareykanka sii loogu maxkamdeeyo falal argegixiso oo Mareykanka ka dhacay.
“Britain waxa ay khasaaraha ugu weyn ku muteysan doontaa dagaalka ay kula jirto Islamka iyo colaada aan kala joogsiga leheyn ee ay ku heyso Muslimiinta”ayaa lagu yiri fariin kale oo la dhigay Twitter.
Kooxda Al Shabaab oo shegatay in ay ku biirtay Al Qaacida kal hore ayaa haatan awoodeedu sii daciifeysa ka dib kolkii ku dhawaad gebi ahaan laga saaray degaanadii ay sanad ka hor ka ariminayeen.
Dawlada Britain ayaan ilaa iyo haatan wax jawaaba ka bixin caga jugleynta Shabaabka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com