|

Al Shabaab oo Twitter dib ugu soo noqotay

Nairobi Feb 06,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa dib uga hawlgashay barta Internetka ee Twitter ka dib kolkiii dhawaan laga xiray bar ay halkaa ku lahaayeen.

Shabaabka ayaa Twitter u isticmaasha in ay ku baahiso dilalka,afduubka iyo hanjebaadaha ay fuliso,kuwaas oo gebi lidi ku ah shuruucda Twitter.

Shabaabka ayaa bogooda cusub ee Twitter la yidhaahdaa @HSMPRESS1,waxaana mudo laba cishood gudoohood iska diiwaan geliyay dad ka badan 1,200 oo ruux.

Kooxda Al Shabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay awoodoodii la wiiqay ka dib kolkii degaanadii ay gacanta ku hayeen ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed