|

Al-shabaab Oo Si Rasmi ah Ugu Biirtay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah Ee Daacish

Baardheere:Jully,11,2015(SDN/QJ)-Kadib shirar qarsoodi ahaa oo Hoggaamiyayaasha sare ee Kooxda Al-shabaab uga Socday Goobo ku yaalla Gobolka Jubada Dhexe, ayaa mabda’ ahaan la isku raacay inay si toos ugu biiraan Islaamiyiinta Daacish oo muddooyinkii ugu dambeeyey Weerarro Reer Galbeedka xanuujiyey Dalal badan ka fuliyey.

ducooXogo shirarkaas iyo Go’aanka la gaadhayba ku saabsan oo uu Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London helay, ayaa bayaamiyey Go’aanka hoggaanka kooxdu gaadhay, iyadoo sidoo kale la ogaaday inuu meesha ka baxay farqi saraakiisha ururku markii hore arrintaas ugu kala duwanaayeen.

Taliye ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa u sheegay Wargeyska The Daily Mail inay Saraakiisha sarsare ee Alshabaab inay bilowgii Toddobaadkan kulan qarsoodi ah ku yeesheen Gobalka J/dhexe oo 200 miles u jirta magaalladda Muqdisho.

Taliyahaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay inay weli socdaan dadaalo lagu doonayo in Go’aanka Kama-damabaynta lagu gaadho Toddobaadyadda ama bilaha soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Hoggaamiyayaasha wada saaran yihiin hal dooni.

“Ma doonayo inaan ka hadlo sababaha ay Alshabaab u doonayaan inay isaga baxaan, kuna jaraan xiriirkii ay la lahaayeen Ururka Alqaacida iyo Hoggaamiyahooda, Ayman Al-zawaahiri” ayuu yidhi Sarkaalkaas u hadlay Alshabaab.

Tallaabadaasi ayaa timid, iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Daacish ay bishii March ee sannadkan soo bandhigeen  muuqaal  ay Dagaalamayaasha Alshabaab ugu baaqeen inay ku soo biiraan Kooxaha Islaamiyiinta ee la bahoobay Kooxda Daacish ee dagaalladda kaa wada dalalka Syria iyo Iraq.

Muuqaalkaasi oo muddo 6 daqiiqo ahaa ayaa waxa lagu booriyey Dagaalamayaasha Alshabaab inay kordhiyaan Hawlgalladda Jihaadka ee ay ka wadaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania.

Go’aanka ay Hoggaamiyayaasha Alshabaab ugu codeeyeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ayaa horseedayso inay isaga baxeen Ururka Alqaacida loo aqoonsado Dowladda Islaamiga ee Bariga Afrika.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Alshabaab ayaa hore ugu kala qeybsanaa inay ku biiraan Dhaqdhaqaaqyadda Jihaad-doonka ee Caalamka, iyadoo ay inta badan doonayeen inay ku koobnaan Jihaadkooda Geeska Afrika oo keliya.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed