|

Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerar lagu dilay Saraakiil ka tirsan Kenya

Muqdisho May 27 2013 (SDN)— Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadlay weerar saraakiil Kenyan ah lagu dilay oo ka dhacay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Kenyan.

Afhayeenka dhanka howlgalada Xarakada Al Shabaab C/casiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta afka Shabaab ku hadashay ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Shababa ay weerar ka geysteen xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Abu Muscab ayaa carabka ku dhuftay in 8-askri oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ay ku dileen howlgal qorsheysnaa sida uu hadalka udhigay oo ay ku qaadeen deegaan 35-km u jira Magaalada Dhoobley.

Afhayeen ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamadii kale ee ku sugnaa goobta ay weerarka ku qaadeen ay baxsadeen qaar kalena ay ku dhaawaceen weerarkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dhinteen 2-sarkaal oo ka tirsanaa booliska Kenya kuwaasi oo goob ay ku sugnaayeen weerar lagu soo qaaday.

SDN-Muqdisho

Comments are closed