Al Shabaab oo sheegay in Denis Allex uu noolyahay maalmana u qabtay nolashiisa
Buulo Mareer Jan 12 2013 (SDN)— War saxaafadeed goor dhaw kasoo baxay xafiiska warfaafinta u qaabilsan Al-Shabab ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii xalay Buulo Mareer ku dhex maray ciidamada Faransiiska iyo kuwa Al-Shabab.
Warkaan oo lagu qoray warbaahinta Shabab ayaa waxaa lagu sheegay in hawlgalkii Faransiisku uu fashilmay isla markaan ay Xarakaddu go’aankamadambeys ah kasoo saari doonto nolosha maxbuus Denis Allex.
“Faransiisku way ku fashilmeen in ay qabsadaan maxabuuska laga heysto waxaana bayaanka lagu xusay in Shabaab maalmaha soo socda war kasoo saari doonaan mustaqbalka Dennis Allex” ayaa.lagu yiri warka Shabab kasoo baxay.
Waxa isa soo taraya Digniinada ay bixinayaan Hogaamiyayaasha dagaalyahanada Shabaab sida Sheikh Mus’ab Abdul Wadud, kaasi oo sheegaya inuu baaq u dirayo Madaxweynaha France, Francois Hollande’s baaqaasi oo ku aadan sidii uu wax uga badali lahaa siyaasadiisa, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Dowladda Faransiiska ayaa iyadu waxa cadeysay in uu geeriyooday Denis Allex iyo labo kamid ah askartii Weerarka Buulo Mareer ku qaaday.