|

Al Shabaab oo sheegatay weerarkii Liido

Muqdisho August 03, 2024 (QJ)-Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa sababay dhimashada dad badan oo rayid ah oo xeebta u yimid nasasho iyo madadaalo.

Qoraal ay soo saareen Al-Shabaab ayay ku sheegeen in weerarka uu ku bilowday qarax kadibna ay weerar toos ah ku qaadeen Maqaayada Beach View oo ku taalla Xeebta Liido. Waxa ay ku andacoonayaan in Maqaayada ay ku badanaayeen Siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan, Shaqaale Dowladeed, Saraakiil Nabad Sugid, iyo Askar ka tirsan Dowladda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ay ku dhinteen 54-ruux, halka ay ku dhaawacmeen 87-qof oo kale, iyadoo dadka dhintay ay ku sheegeen siyaasiyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa dhar cad ah.

Kooxda ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu aargudayaan dadka ay ku eedeeyaan in ay dulmi ku hayaan dadka Muslimiinta ah, waxaana ay ku nuux nuuxsadeen in ay ka aargoosan doonaan mar kasta oo Muslimiinta dhibaato loo geysto.

Al-Shabaab ayaa bogaadisay shaqsiyaadkii fuliyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay geesiyaal naftooda ku shahiiday, iyagoo beegsada kuwa ay ku tilmaameen Murtadiinta. Waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay inay u dagaallamaan ilaalinta iyo badbaadada bulshada Muslimiinta ah.

Comments are closed