Al Shabaab oo sheegatay weerarkii Hotel Pearl
Muqdisho June 10, 2023 (QJ) – Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay lagu qaaday Hotel Pearl oo ku yaala Xeebta Liido.
Weerarkan oo socday saacado badan ayaa waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada dawlada ayaa xalat goor danbe shaaciyay in ay soo afjareen weerarka lagu qaaday Hotelka.
Ciidamadu waxa kalae oo ay sheegeen in ay dileen ilaa shan dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, halka ay sidoo kalena boqolaal ruux ka soo furteen.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ku qaadeen Hotel Pearl, iyagoo sheegay in goobta la beegsaday ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.
Sida Al-Shabaab ay sheegeen shaqsiyaadka weerarka lagu bartilmaameedsaday ayaa ahaa shaqsiyaad muhiim u ahaa dagaalada ka socda gobolada ay ka arimiyaan.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dagaalyahanadooda ay dagaal waqti dheer qaatay ay ku qaadeen gudaha Hotelka.
Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ku dhinteen 29-ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Si kastaba ha ahaatee, kooxdu ma aysan bixin faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cidda ay yihiin dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkaas.