Al-shabaab Oo Saraakiil Kenyan ah Laayey qaar kalena Afduubay
Libooyo:11-Dec-2013(SDN)-Kooxda Al-shabaab ayaa Sideed Ruux oo shanka mid ahi ay yihiin saraakiil Police-ka Kenya ka tirsan ku dishay weerar Gaadmo ah oo ay ku qaadeen Kolonyo Baabuur ah ah maraysay Deegaanka Libooyo.
Waxaa kale oo la aaminsanyahay in laba kale oo ka tirsanaa saraakiisha la weeraray iyaga oo nool Shabaabku ay afduubeen, inkasta oo aan si dhab ah arintaasi loo ogeyn, balse waxa jira shaki la xidhiidha afduubka.
Samuel Arachi oo ah sarkaal Kenyaan ah ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi gaadmada ah uu jiray, isaga oo hoosta ka xariiqay in qaar kale oo dhaawac ay jiraan.
Kooxda Shabaab ayaa waxa ay sheegteen masuuliyada weerarkaasi iyaga oo ku hanjabay in weerarro dheeraad ahna fulin doonaan.
Ciidamada Kenya ayaa dhibaato weyn kala kulma deegaanada Xuduudda ku dhaw ee ay joogaan kooxaha al shabaab, waxana inta badan dhacda in ciidanka la laayo ama qaarkood la afduubo, iyadoo arrintani socotay tan iyo intii Kenya ay Somalia gashay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com