Al Shabaab oo sadex ruux ku dilay Gaarisa
Garisa December 21, 2022 (QJ) – -Sadex ruux oo labo ka mid ahi yihiin Policeka Kenya ayaa lagu dilay weerar ay geesteen dagaal yahanada Al Shabaab.
Weerarka oo ka dhacay magaalada Gaarisa sida uu xaqiijiyay Madaxa Police ka Woqooyi Bari Kenya George Seda.
Weerarka ayaa ku bilowday qarax lala beegsaday gaari ciidamadu la socdeen, ka dibna gantaal ay dagaalyahanadu ku dhufteen gaariga iyo rakaabkii la socday.
Ciidamada ayaa sheegtay in ay ku daba jiraan dagaal ayahanada ka geysatay weerarka. Al Shabaab ayaa weeraro noocan ah ka geysta degaanada ku dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya.