Al-shabaab Oo Markale Laysay Shacab Reer Kenya ah iyo Baqdinta Oo Kusii Badanaysa Deegaanada Xuduudda Labada Waddan
Wajeer:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Weerar kale oo khasaare dhimasho, dhaawac iyo Burbur Hanitiyeed iskugu jira leh, ayey Kooxda Al Shabaab xalay ku qaadeen Goobo ku yaalla Gudaha waddanka Kenya.
Xoogaga Shabaab, ayaa xalay qaraxyo ku weeraray goob ganacsi oo ku taala Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari, sidoo kalana waxay dab qabadsiiyeen xaruntasi ganacsi.
Afar ruux, ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay in qaraxaasi ku dhinteen, iyadoo tiro kalana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen. Waxaana dhaawacyada la dhigay Isbitaalka Guud ee Degmada Wajeer.
Raggii Shabaabka ka tirsanaa, ayaa waxaa u suurta gashay inay goobtaasi ka baxsadaan. Ciidamada Booliska Kenya waxay ku fashilmeen soo qabashada raggaasi.
Qoraal ay soo saartay Al Shabaab, ayaa lagu sheegay inay iyagu ka masuul yihiin weerarka xalay ka dhacay Degmada Wajeer, ayna ku dileen waxa ay ugu yeedheen gaalo.
Al Shabaab, ayaa ku goodiday inaanay faro ka qodnayn weerarada ay ka geysanayan dalka Kenya, iyagooo intaas ku daray in Xasiloonida waddanka Kenya ku xidhan tahay in ciidamadooda ay kala baxaan Gudahha Waddanka Somalia.
Gudoomiyaha Degmada Mandheera Cali Roba, ayaa qiray in Ururka Al Shabaab ay halis ku yihiin xasiloonida dalka Kenya, loona baahan yahay in Ciidanka Kenya laga soo saaro Somaliya, kana hawlgalaan xuduuda Somaliya iyo Kenya.
SDN/QJ