|

Al Shabaab oo markale lagu duqeeyay Mudug

Jeex-Jeeaxa February 04, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus ay ka dhacday gobolkaasi, kaasoo lagu beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.
Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanada Caad iyo Jeex-jeex. Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo gaaray maleeshiyaatka Al Shabaab. Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu ahaa mid lagu doonayay in lagu carqaladeeyo dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab, laguna wiiqo awooda ay ku leeyihiin gobolka. Sidoo kale, howlgalkan ayaa loo arkaa mid looga jawaabayo weerarro dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Jeex-jeex, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo isugu jira shacab iyo ciidan.
Xaalada Mudug ayaa xiligan ah mid kacsan, waxaana ka socda dagaalo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay.

Comments are closed