Al Shabaab oo Mareykanka ku eedeeyay dilka Dhakhaatiir
Jilib Februry 17, 2024 (QJ) -Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay dhinteen labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo muddo sanado ah afduub loogu heystay degmada Jilib.
Warbixin ay soo saartay kooxdaasi ayay ku sheegtay in dhaqaatiirtan lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanka ee taageeraya ciidamada Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Jilib.
Dhakhaatiirta ayaa sanadkii 2019 Al-Shabaab ka afduubteen Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo bini’aadantinimo oo la xiriira dhanka caafimaadka.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa dhawaan sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq-dabeyl ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo la sheegay in ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa marar badan fashilmay dadaalo lagu doonayay in lagu soo daayo dhaqaatiirtan oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Cuba iyo Kenya.