Al Shabaab oo laga Xiray Twitterkii ay ku lahaayeen Barta Internetka
Muqdisho Jan 25 2013 (SDN)– Barta Twitterka Al-Shabaab oo qofna uusan qarin karin inay aheyd mid kamid goobaha ay Al-Shabaab kula gor gortamaan dowladaha ay dagaalaka kula jiraan kunasoo bandhigaan waxyaabaha ay doonayaan iyo ajaanibta ay heysataan ayaa maanta la xanibay.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Wargeysyadooda ayaa lagasoo xigtay inay xaqiijiyeen xanibaada lagu sameeyay barta Twitterka @HSMPress ee Shabaabka ay leeyihiin iyagoona sheegay in mudooyinkii dambe Shirkada Twitterka lagu cadaadinayay inay xirto qeybta Shabaabka.
Waxaan wali la ogeyn in xayiraada la saaray qeybta @HSMPress ee Al-Shabaab barta twitterka ka adeegsan jireenĀ inay tahay si kMG ah iyo in si toos ah loo xiray balse qaar kamid ah Wakaaladaha ayaa qoraya in arintan ay tahay qorshe lagusoo afjarayo inay Shabaab isticmaalaan Twiterka.
Websiteyada Shabaab taageera ayaa ku andacoonaya xanibaada lagu sameeyay inay tahay qeyb kamid ah cunaqabateynta lagu hayo dhaqdhaqayada Al-Shabaab ay ku haminayeen waqtiyadii dambe oo aduunyada ay uga iibinayeen Fikiradohooda.
Xarkada Al-Shabaab ayaa shaacisay inay sii qiyaasayeen in la xanibayo qeybta ay Twitterka ku leeyihiin maadaama ay maalamahan si dar dar ah usoo galinayeen warar hanjabaad u badan iyo ajaanib ay heystaan oo ay kula gorgortamayaan dalalka ay u dhasheen.