Al Shabaab oo laga dilay 130 askari
Muqdisho December 24, 2023 (QJ) -Wasaaradda gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay khasaarihii ugu dambeeyay ee ka dhashay howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen qaar ka mid ah gobollada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
War rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay ee ciidamada ay ku dileen 130- dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jiray madax iyo meeliishaad.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ee ciidamada ay ku guuleysteen in Al-Shabaab lagala wareego deegaano badan, gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug. Goobahaas ayaa lagu tilmaamay kuwo istaraatiiji ah oo muhiim u ah kooxda argagixisada ah.
Warbixinta Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda ee howlgalkaasi ka qeyb qaatay ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan, waxaana la burburiyay xarumo kala duwan oo ciidan iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda xagjirka ah.