Al Shabaab oo ku hanjabay in dilayaan maxaabiis u dhalatay dalka Kenya oo gacantooda ku jira
Muqdisho Jan 24 2013 (SDN)– Kadib warbixin Barta Twitterka ay soo dhigeen Al-Shabaab ayaa waxay fariin digniin ah ugu jeediyeen Kenya oo ku aadan in xabsiyada Kenya laga sii daayo dadka lagu haysto falalka la xariira Al-Shabaabnimada.
2: Dowlada Kenya waa inay xaqiijiyaan in la siidaayo dadka Muslimiinta ah ee ay u gacangeliyeen Dowlada Yugaandha sababo la xiriira Dagaalka ka dhanka ah Islaamka.
3: Sii deynta dadkaas Maxaabiista Muslimiinta ah waa in aysan wax shuruud ah ku xirnaanin isla markaana ay ay noqodaan mid shaacsan oo aan qarsanoonayn.
Al-shabaab ayaa sii daayay muuqaalo ay ka muuqdaan dad Kenyaati ah oo u diriya codsigii ugu danbeeyay dowlada kenya oo ku aadan inay ka bixiyaan gacanta Al-Shabaab.
Ugu danbeyntii Al-Shabaab ayaa ku goodiyay in hadii Kenya ay ka soo jawaabi weyso codsiga Al-Shabaab ka soo baxay la dili doono dadka gacanta Al-shabaab ku jira ee kenya ka soo jeeda.