|

Al Shabaab oo ku hanjabay dagaallo ay ka geystaan deegaanada Maamulka Puntlanad

Boosaaso Feb 14 2013 (SDN)— Sh.C/qaadir Cali Muumin oo ka tirsan  saraakiisha sar  sare ee Alshabab oo haatan ku sugan  deegaanada Puntland ayaa  sheegay in qaraxyada xilligan ay bilow u yihiin kuwa bilaw u ah Puntland ayna si wadi doonan ilaa ay kaga taqalusaan maamulka meeshaasi ka jira. 

C/qaadir Cali Muumin ayaa sheegtay masuuliyada qaraxii labo maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo eel ala beegsaday taliyihii ciidamada Booliska kaasi oo uu  ka bad baaday qaraxaasi oo dhaawac ka soo gaaray. 

Masuulkaan ka tirsan Alshabab ayaa sheegay inay hada wixi ka bilawda ay sii wadi doodaan qaraxyada lala beegsanayo masuuliyiinta maamulka Puntland ilaa inta shareecada islaamka ay ka hirgalinayaan  deegaanadaasi. 

Alshabab ayaa tan iyo intii  lagaga wareegay deegaano badan oo ka tirsan  koonfurta soomaaliya waxay ay u ruqaan sideen sida la sheegay  deegaanada Maamulka Puntland sida  ay sheegeen dhawaan masuuliyiinta ugu sareysa maamulkaasi oo uu ka mid yahay madaxwayne C/raxmaan Sh.Maxamed Faroole.

Comments are closed