Al-Shabaab oo ku Goodiday inay sii wadayaan Ugaadhsiga Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia
23,Apr.2014(SDN/QJ)-Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ku hanjabay inay sii wadayaan dilalka ay u geysanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii 24-saac gudahood lagu dilay magaalada Muqdisho Labo xildhibaan.
Cali Dheere ayaa sheegay in hadafkooda koowaad uu yahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay la baxeen sharci dejiyaal.
“Mujaahidiinta waxaa leenahay ku sii dadaala, sidii hadafka runta ah aad u gaari laheydeen, kuwa sheeganaya sharci dejiyaal ee sharci aan aheyn mid Alle koonkan ku xukumaya”ayuu yiri Cali Dheere.
Mar uu soo hadal qaaday in Xildhibaanada ay beegsanayaan ay yihiin kuwo aan hubeysneyn ayuu xusay in goobo horay ammaankooda loo adkeeyay ay weerareen sida Madaxtooyada iyo Xalane, waxaana uu tilmaamay inay isku mid u yihiin.
Labadii maalmood ee u dambeysay waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho labo xildhibaan, halka mid kalena la dhaawacay, iyadoo dilalkan ay ku soo aadeen, xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shir ammaanka looga hadlayo.g.com
SDN/QJ-Muqdisho,Somalia
contact@qurbejoog.com