|

Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilkii Nafiisa Cismaan, Kana Hadashay Dhallinyaradii Shalay Lagu Qisaasay Muqdisho

Muqdisho:July,16,2014(SDN/QJ)-Xoogga Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Dilkii qisaasta ahaa ee shalay lagu fuliyey Labadii Wiil ee Dhallinyarada ahaa iyo waliba Dilka Haweenayda iyagu ku eedaysnaayeen ee Nafiisa Cismaan.

cali jabalGudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu sheegay inaanay Al Shabaab ka mid ahayn labadii nin ee lagu qisaasay Magaalada Muqdiaho.

“Maanta(shalay) waxay warbaahintu soo bandhigtay rag ay murtadiintu Muqdisho ku dileen iyagoo ku sheegaya in ay Mujaahidiinta ka tirsanaayeen arrinkaasi, waa been aan waxba ka jirin.” ayuu yidhi Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

Waxa kale oo uu  si adag u sheegay inaanay Al Shabaab wax shuqul ah haba yaraatee ku laheyn dilkii Nafisa Cismaan Salaad, isagoo qoyskeeda u sheegay inaanay Al Shabaab marnaba qarinin, cidda ay disho.

“Waxaan sheegaynaa in aanaan dilin gabadha, reerkeeda waxaan leenahay anagu bari’ ayaan ka nahay falkaasi nama soo galo, anagu cidda aan dilno waan sheeganaa waana cadyahay cadawga dagaalku naga dhaxeeyo.” ayuu yidhi Cali Jabal.

 

Labada nin ee lagu qisaasay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xirsi (Shaataa).

Haweenayda labada nin inay dileen lagu eedeeyey ayaa  ahayd aqoon yahannadan soomaaliyeed oo u shaqaynaysay Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka Hawlgala, waxana la sheegayaa inay Ciidanka amnigu gacanta ku dhigeen Raggan waxyar kadib markii ay dilka geysteen.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed