|

Al Shabaab oo hareereeyay Guri uu ku jiro Abuu Mansuur Al Amriikii oo ka tirsan Al Qaacidda Soomaaliya

Muqdisho April 30 2013 (SDN)— Sida uu soo daabacay Abuu Mansuur al Amriikii barta Uu Tweter-ka ku leeyahay, dagaalamayaal ka tirsana Xarakada Al Shabaab ayaa ku hareereysan guri uusan sheegin meesha Soomaaliya uu uga yaallo oo uu dagan yahay.

Al Amriki oo sidoo kale loo yaqaano Cumar Xamaami ayaa sheegay in maqlayo Raas ka dhaceysa banaanka Gurigiisa, islamarkaana uu ka cabsi qabo in waxyeelo la gaarsiiyo.

Cumar Xamaami 28 jir-kan  un dhashay wadan Mareykanka ah ayaa Twitter-kiisa  waxa uu ku sheegay in haatan nafsatiisa ay ku jirto qatar xoogan maadama gurigiisa lagu hareereeyay,  rasaasna lagu ridayo.

Waxa sawiro uu soo saaray Twitter-ka isaga iyo 3 kale oo garbaha isku haya kuwaasoo cabsi xoogani ay ka muuqatay .

Todobaadkii hore ayay aheyd markii uu Twitter-ka ku soo bahiyay sawiro muujinaya isaga oo uu dhiig ka baxayo qoortiisa dharkiisan uu dhiig ku haleysan yahay, waxaana uu sheegay in uu ka badbaaday isku  day lagu dili rabay isaga.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed