Al-shabaab Oo Hanjabaad U Dirtay Haweenka Soomaaliyeed Xilli ay Rajmiyeen Gabadh Dhallinyaro ahayd
Barawe:Sep,28,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab, ayaa digniin culus u dirtay Haweenka Soomaaliyeed eek u Nool Goobaha ay gacanta ku Hayaan, Haddii ay ku kacaan Falal liddi ku ah arrimaha Diinta xilli ay dhagax ku dileen Haweenay dhallinyaro ah oo lagu eedeeyey inay Si Qaldan u samaysay Meherro is khilaafsan.
Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu haweenka Somaliyeed uga digay inay isaga fogaadaan inay ku kacaan gogol dhaaf. Haddii kalana ay mari doonaan wadadii Safiya Axmed Jimcaale oo dorraad dhagax lagu dilay ay martay.
Gudoomiyaha, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Al Shabaab aanay aqbali doonin ku xadgudubka Sharciga, haween kastaa oo guur soo martaa oo gogol dhaaf sameysaana, ay dhagax ku dili doonaan.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayuu xusay in hablaha aan guurka soo marin uu xukunkoodu noqonaayo tacsiir, iyadoo uu ka digay inay isaga fogaadaan gogol dhaaf.
Waxaa Dorraad galab la arkaayay gaadhi iska rogge ahaa oo dhegxaan ku rogay Fagaaraha, iyadoona ay Shabaabka iyo taageera-yaashooduba ay madaxa kala dhaceen Safiya. Sidaana ay ku dhimatay.
Warbaahinta dunida, ayaa si weyn u hadalheysa dhacdada Jimcihii ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna dadka badankii walaac ka muujinayaan xukunka rajmiga ah ee Shabaabku fuliyeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com