|

Al-shabaab Oo Farxadda Ciidul-fidriga Awgeed Oodda Ka Qaadday Boqolaal Maxaabiis ah Oo Gobollada Bay iyo Bakool Jeelashooda Ku Jirey

Diinsoor:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan Maamulka u qaabilsan Gobollada Bay iyo Bakool, ayaa xorriyadoodii u celisay boqolaa maxaabiis ah, iyadoo lagu sharfayo Munaasibadda Ciidul-fidriga oo foodda inagu soo haysa.

vorrSheekh Macalim Geedow waaliga Bay iyo Bakool oo lahadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in xabsiyada ay kasii daayeen maxaabiista si ay uga qeyb qaataan maalmaha farxadda ciidda ee foodda nagusoo heya.

Xabsiga degmada Diinsoor ayaa kamid aha meelaha maxaabiista lagasii daayay,boqolaal qof oo ku xidhnaa xabsiyada ayaa markii lasii daayay waxay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin xorriyadooda oo ay dib uheleen waxayna ballan qaadeen in aanay dib ugu laaban doonin falal dambiyeedkii loo heystay.

Wilaayada Islaamiga ee shabaabka u qaabilsan Bay iyo Bakool, ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan wilaayada in ay is cafiyaan ayna adkeeyaan isgarab taagga xarakada iyo dagaalka jihaadka ah ee lagula jiro ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya kusoo duulay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed