|

Al Shabaab oo adkeeyay in warka sheegaya in 3-kun oo Askri AMISOM looga dilay Soomaaliya

Muqdisho May 14 2013 (SDN)– Xarkada Al Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM ay kadileen in kabadan 3-kun oo Askari tan iyo markii ay ciidamada shisheeye soo gaareen Mudisho sanadkii 2007dii.

Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka dhanka howlgalada Dhaq-dhaqaaqa Shabaab oo warbaahinta war duuban u soo diray ayaa tilmaamay in dagaalada ay Muqdisho kawadijireen xilligii hore kaliya ay ku dileen in kabadan 3-kun oo Askari.

Afhayeenka ayaa sheegay in shaacinta tirada ciidamada AMISOM looga dilay dalka Soomaaliya ee 3-kun ah ay xaqiijinayso dhibaatada ciidanka AMISOM dalka Soomaaliya kasoo gaartay oo uu sheegay inay dabooli jireen markii hore ama ay dafari jireen sida uu yiri.

Dhawaan Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in ciidanka AMISOM gudaha dalka Soomaaliya looga dilay ciidamo gaaraya 3000-kun oo askari tan iyo wixii ka dambeeyay imaatinkoooda dalka Soomaaliya.
SDN-Muqdisho

Comments are closed